Diyaarad siday 191 qof oo burburtay dalka India.

Dowladda Hindiya ayaa xaqiijisay Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah  ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.

 

Waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegtay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

 

Waaxda duulista ayaa sidoo kale xaqiijisay Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ay  geeriyoodeen, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan.

 

Xafiiska Wararka Oslo.

Info@aragticusub.com