Diyaar garoowga Kulanka Golaha Shacabka oo socda & Xubno tegay Villa Hargeysa

Waxaa Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabsoomida Kulanka Maanta e Golaha Shacabka, kaas oo lagu Magacaabi doono Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaannada uu muranka ka taagan yahay ee lagu doortay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa kusii hormaray Xarunta Villa Hargeysa oo Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka kulan ku yeelanayaan.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale Xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq & Garbahaareey ay wada galeen Xarunta Villa Hargeysa, taas oo buuq ka dhalisay kulankii Golaha Shacabka.