Labadan diin oo lagu xannaaneeyo seeraha xayawaanka ee Philadelphia islamarkaana halis ugu joiray in ay dabar go’aan ayaa markii ugu horraysay la sheegay in ay ilmo dhaleen.
Seeraha xayawaannada ayay farxad weyn u ahayd toddobaadkii la soo dhaafay markii labada diin ee Abrazzo iyo Mommy ay dhaleen 4 diin oo ka tirsan baha Western Santa Cruz Galapagos.
Dhalashadan ayaa ahayd mid taariikhi ah oo markii ugu horraysay ka dhacda seeraha lagu xannaaneeyo xayawaannada in ka badan 150 sano.
Diinka dheddig oo loo bixiyay Mommy ayaa xerada la keenay 1932-kii. Diinka Western Santa Cruz Galapagos waa nooc halis ugu jira in uu dabar-go’o, waxaana la sheegay in ka yar 50 ay weli ku hadhsan yihiin Maraykanka.