Boqolaal ruux ayaa isugu soo baxay Caasimada wadanka Suudan ee Khartuun kuwaasi oo kacareeysan malatariga wadankaasi oo awooda wadankasi si xoog ah kula wareegay iyo is casilaadi R/wasaarihii dalkaasi oo aan is casilay.
Dadka isku baxay oo wata boorar ka dhan golaha militryga dalkaas ayaa
sheegay inay sii wadayaan tan iyo inta ay dhinac u dhacayso siyaasadda
dalkaas.
Dibad baxayaasha ayaa codsanaya hogaanka ciidamadu ay siyaasadda ka
baxaan oo ay xeryahooda ku laabtaan.
R/wasaaraha is casilay Cabdalla Xamduuk ayaa telefishinka dawlada ka
sheegay inuu isku casilay si uu dalka uga bad-baadsho halis kusoo socota.
Waa ra’iisul wasaarihii 15a-ad ee Suudaan soo maray, waxa uu xilka qabtay 21kii November 2021 kaddib markii qalalaasaha dalkaas uu kordhay, dhaqaale yaqaankaan ayaa culeys xooggan kala kulmay dhinacyada kasoo horjeeda hab maamulkiisa.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com