Dibad baxa ay sameeyeen dad Shacab ayaa xalay ka dhacay Xaafado ka tirsan degmooyionka Gobolka Banaadir, dibad baxaas oo looga soo horjeeday horjeeday Madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dibad baxayaasha oo watay boorar ay ku xardhanyihiin yihiin Erayo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo ayaa socod ku soo maray isgoysyada kala ah Wadnaha, , Sanca, Jardiinka, iyo Xararyaale.
Dadkii soo qaban qaabiyay dibad baxa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah ,sidoo kalena uu yahay kaligii talis, isla markaana ay doonayaan in uu iska tago
Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira cabsi lagana baqdin qabo in markale dagaalo ay ka dhacanaan
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com