Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo loo ballansana in 15 bishan Febraayo oo maanta ku beegan uu ka furmo magalad Garowe
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilahi Deni uu ku taliyay in shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgasho Beesha Caalamka iyo Saamileyda siyasadeed ee dalka.
Ujeedka shirka baaqday ayaa ahaa sidii Dawlad Federaalka Soomaaliya, dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga arinsan lahaayeen qabashada doorasho loo dhan yahay tasi oo ku timid cadaadis ay dawlada Federaalka kala kulmeyso beesha Caalamka .
Hase,ahaatee shirkaan baaqday ayaa ku soo beegmay xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu magaacaabay Gudi ka kooban Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kuwaas oo magaalada Baydhaba uu uga furmi doono shir looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com