Dib u dhac ku yimid khudbad uu maanta Golaha shacabka ka jeedin lahaa Ra’iisal Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta  dib uu  uga dhacay hadal uu doonayay in uu u jeediyo xildhibaanada Golaha shacabka kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hory imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Hase yeeshee xildhibaanada a ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah oo taariikhdu tahay 10 Febraayo 2021.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Ino@aragticusub.com