Dhul gariir ka dhacay Wadanka Turkiga (Sawiro).

Ankara,Dhul gariir xoog leh ayaa xalay ku dhuftay bariga wadanka Turkiga,kaas oo geystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo bur bur.

Dhul gariirka ayay warbaahinta ku soo waramayaan in awoodiisa laga maqlay qeybo ka mid ah wadamada dariska la ah Turkiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu Oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ilaa iyo hada dhul gariirkaas ku geeriyoodeen 18-ruux halka dad ku dhaw lix boqol oo kalena ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in ilaa iyo sodon ruux ku Hoos jiraan bur burka dhismooyin Dumay.

Waxaa socanaya gurmad xoogan oo dadkaas lagu baadi goobayo, iyadoo sidoo dowlada ka cabsi qabta in khasaaraha intaa ka sii badnaado.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com