Dhul-gariir ka dhacay Bariga dalka Raashiya

Dhul-gariir ayaa waxa uu ka dhacay Bariga dalka Raashiya.

Wakaalladda Wararka ee RIA NOVOSTI waxay sheegtay in Dhul-gariir cabirkiisu ahaa 4.3 Richter Scale uu ka dhacay Nawaaxiga Harada Lake Baikal ee Gobalka Irkutsk ee dalka Raashiya.

Dhul-gariirka waxa uu dhacay 10:35 daqiiqo ee xilliga Caasimadda dalkaasi ee Moscow ka dhacay Biyaha Harada Lake Baikal oo 18 KM u jirta Tuullada Bolshoi Goloostnoye ee Gobalka Irkutsk ee Koonfurta Siberia.

Lama soo sheegin wax khasaaro oo dad iyo Qalab ah oo ka dhashay Dhul-gariirka maanta oo Khamiis ah ka dhacay Bariga dalka Raashiya.

Si kastaba ha ahaatee, Harada Baikal waa tan ugu dhererka weyn Harooyinka Biyaha nadiifka ah ee Caalamka, iyadoo dhererka ilaa gunteeda uu gaarayo 1,642 mitir.

Biyaha Haradaasi waxa ku jira qadarka ugu badan ee biyaha nadiifka ah ee dusha sare ee adduunka.