DHOOQAYNTA JACAYLKA! Waxaa Qoray Dr. Faysal Maxamed Cali

بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad oo dhan waxaa Mutaystay Alle weyne sw, Nabadgelyo iyo Ammaan Allena Rasuulkeena korkiisa ha ahaato .

Intaa ka dib, Ilbaxnimada Reer Galbeedka ee halbeegga u noqotay in badan oo Aadamaha xilligan nool waxaa summad u ah Dheeh-gelin iyo Daggidda dadka aan oqoon iyo garaad badan lahayn, Dheeh-gelintaas ayaa ku qotanta laba tiir oo kala ah:

Dhaldhalaainta iyo qurxinta qaab-nololeedkooda iyo dhaqankooda.

Dhaleecayn, Daadafayn iyo u qadhaadhaynta Dhaqamada iyo Hab-nololeedka Umaadaha Kale.

Labadaa tiir ayaa ku reebay bulshooyinka gaar ahaan ummada muslimka ah laba arimood oo kala ah:

U hanqaltaag iyo Dabagal indho la’a oo ay dabagaleen reer galbeedka iyo dhaqankooda.

Ka hiyi-kaca iyo saluugga Diintooda iyo sooyaalka Dhaqan ee laga dheehday diinteena ee ay lahaayeen Awoowayaasheen.

Muuqaallada labaalayaashaa isbarkan ee kor ku xusan ay keeneen waxaa ka mid ah u astaynta 14ka February loo asteeyay sanad walba in ay ahaato maalinta xuska Jacaylka aduunka, taas oo ay ka dhalatay in dad badan oo muslim ah iska dhufsadaan oo ay ku raacaan reer galbeed weynanta maalintaa iyaga oo weliba aan fahansananyn meesha uu ka soo jeedo dabaaldaga maalintaa loo dabaal dego!.

Waxa kale oo dhacda in ay dad badan oo muslimiinta ka mid ah u fahmaan ama loo fahansiiyo in aanu islaamku tixgelin siin Jacaylka, Dadka muslimka ahina aanay aqoon ama lahayn ba Dareenka jacaylka!.

Haddaba, way adagtahay cid labaalayaashaa aan kor ku soo xusay la nool in aan ku qanciyo in khayr oo dhami uu dhex fadhiyo sharciga Alle sw, laakiin waxaan u arkaa in ay jiraan in badan oo ka fayow xanuunkaa oo xor ah oo aan maankooda la gumaysan.

Waa maxay Jacaylku? guur hortiise ma la is jeclaankaraa?:

Asalka Jacaylku waa dareen Alle sw uu ku abuuray Aadamaha oo dhan, in kasta uu ku kala badan yahay oo aanay isku dareen ka wada ahayn.

Waxayaabaha uu jeclaado Aadamuhu way farabadan yihiin waxaana ka mid ah jacaylka dhex mara Lammaanaha (labka iyo dheddigga).

Rusuulka Alle sw isaga oo arinkaa tilmaamaya wuxuu yidhi:

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ -: “لَمْ يرَ لِلْمُتَحَابَّيْنِ مِثْلَ النِّكَاحِ” أخرجه ابن ماجه في سننه بسند صحيح.

Ibnu Cabbaas, Alle sw ha ka raalli noqdo’e wuxuu Rasuulka nnkh ka wariyey in uu yidhi hadal macnahiisu yahay: labo is jeclaaday Dawadoodu waa in la isu guuriyo.

Xadiiskani wuxuu lahaa qiso, Waxaa loo sheegay Rasuulka nnkh in laba nin oo midi hodan yahay midna sabool yahay ay soo dooneen gabadh, Reerka ay ka dhalatay waxay la doonayeen ninka hodonka ah hayeeshe ee kaa may doonayn ee waxay jeclayd ninka saboolka ah, dabcan reerkeedii ayaa u diiday in ay siiyaan ninkaa saboolka ah, intaa ka dib waxaa warkoodii la gaadhsiiyay Rasuulka nnkh, markaas ayuu yidhi laba is jeclaaday waxaa Dawo u ah in la isu guuriyo.

Xadiiskaasi wuxuu Daliil cad u yahay uu jiri karo jacayl guur hortii sharciguna aanu diidanayn.

Haddaba Akhristow, Jacaylka Lammaanaha isdoonaya ee aan weli is guursan waa mid bannaan oo sharcigu aanu diidin.

Ninka ama gabadhu marka ay isarkaan ama ay ismaqlaan waxaa dhici kara in ay is jeclaadaan waana arin dabiici ah, oo aan lahayn naxli iyo nusqaan toona.

hayeeshee waxaa sharcigu diiday in lagu dhooqeeyo jacaylka xumaan iyo macaasi Alle sw diiday sida:

-Isla gaar noqosho iyo hudheelo

-isu raac iyo wada caweyn.

-In ay wada safraan.

-In jidhkoodu is gaadho ama ay is taabtaan.

-Sawiro la wada galo ama sawiro xunxun oo la wadaago.

-In lagu wada sheekaysto hadalo dareenka kicinaya oo aan wakhtigeedii la gaadhin.

Dawada lammaanaha is jeclaaday ee ka fogaadan weliba wixii dhooqaynayay waa in si degdeg ah la isu siiyo si Dareenkaa foogani u dego una gaadho xasilooni.

Baraarujin: jacaylkaa ka horreeya guurka waxaa dhici kara in aanu xaqiiqo ahayn ama uu curdin-dhadho sidaa daraadeed waa in laga digtoonaadaa oo qofku aanu aad isu siin.

Jacaylka lammaanaha isqaba:

Guur dabadii jacaylka dhexmaraa lammaanaha is qabaa waa mid sharcigu ogolyahay oo aanu diidin waana Qiimo iyo Dhaqan qurux badan oo nolosha lamaanaha xasiliya macne iyo nololna u yeela isla markaana ku sameeya nafta raadad aad u qiimo iyo qaayo badan sida:

Isu hilow.

Is qadarin.

Isu dulqaadasho.

Is fahan.

Isu tudhid.

Naf-wada qaybsi.

Hadal dabecsan iyo

Rusuulka nnkh aad ayuu u jeclaa xaasaskiisa waxaa cadaynaya:

عَنْ عَائِشَةَ، فقَالَت: قال رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ في خَدِيجَةَ «إِنِّي قَدْ رُزِقْتُ حُبَّهَا» رواه مسلم. وله قصة.

Wuxuu yidhi rasuulku nnkh isaga oo ka warramaya Xaaskiisii ugu horreysay ee Khadiija bintu khuwaylid: waxaa la igu irsaaqay Jacaylkeeda.

وعَنْ عَمْرِو بْنِ العَاصِ أَنَّهُ، قَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ مَنْ أَحَبُّ النَّاسِ إِلَيْكَ؟ قَالَ: عَائِشَةُ. قَالَ: مِنَ الرِّجَالِ؟ قَالَ: أَبُوهَا. رواه الطيالسي في مسنده والترمذي في سننه.

Waxaa la weydiiyay Suubbanaha nnkh Dadka yaad ugu Jaceshahay wuxuu ku Jawaabay Caa’isha (xaaskiisa) Alle sw ha ka raalli ahaado’e, waxaa lagu yidhi Raggana yaad ugu jeceshahay wuxuu yidhi Aabbaheed (Abuu bakar alsidiiq).

Halkaa waxaa ka cad in islaamku uu oggolyahay jiritaanka Dareenka Jacaylka laakiin uu ka ilaaliyay waskhaynta iyo xumaanta la marmarinayo.

Alle sw xaqa ha ina garansiiyo oo ha inagu sugo.

Waxaa qoray: Sh.Dr. Faysal Maxamed Cali,

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com