Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

Shilkaan oo ah mid gaari, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa uu ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Mamulka Puntland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu Gaari nooca dadweynaha ah oo ka yimid degaanka Laacdheere oo 20km u jira Magaalada Garoowe uu ku rogmaday halkii laga raray Koontoroolka Galbeed ee Magaalada Garoowe.

Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen 10 Ruux oo isugu jira Rag & Dumar, isla markaana shilka ay ku geeriyootay Haweeneey kamid aheyd rakaabka halka Shan Ruux oo kale ay shilkaasi ku dhaawacmeen.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in Darawalkii waday Gaariga uu markii hore goobta ka baxsaday, hayeeshee howlgal ay sameeyeen ay gacanta kusoo dhigeen, waxaan a uu digniin u diray wadayaasha Gaadiidka sida xowliga ah ku wada.
Shilkan ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor meel aan ka fogeen halka uu shilka ka dhacay uu ku rogmaday Gaari uu wade ka ahaa Fanaanka Sharma Boy, isla markaana shilkaasi ay ku geeriyootay Gabar la socotay dad u isaga kamid yahayna ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com