Dhawaqa Qarax Weyn oo xalay laga Maqlay Muqdisho

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qarax Xooggan oo xalay laga Maqlay Xaafadaha magaalada Muqdisho .

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid Jawaaan laga soo buuxiyay  oo la soo dhigay  Afaafka hore ee garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow eek u yaala degmada Cabdicasiis.

Hay,adaha Amaanka ee Dawlada Federaalka ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala furaan qaraxaasi jawaanka laga soo buuxiyay islamarkaaana si nabad gelyo ah u qarxiyeen iyadoo aysan wax yeelo ka soo gaarin Dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa iyo Askartii ku sugneyd goobta qaraxa la dhigay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay Weeraro qaraxyo ah oo ay geysanayeen Alshabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com