Dhaqtar da’yar oo Muqdisho lagu dilay

Dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo dalka dibadiisa ku soo bartay Cilmiga Caafimaadka.

Dilka ayaan wuxuu ka dhacay Degmada Dharkiinley, kadib markii dableyda gudaha farmashiga ay ugu galeen Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Jeylaani oo hal albaab u xiran yahay farmashiga, xilli uu isku diyaarinaayay inuu aado Salaada Maqribka sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Dableydii ayaa marxuumka waxa ay ku dhex dileen gudaha Farmashiga, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta usheegay sidaan ugu wax udhaceen.

” Farmashiga hal albaab ayaa u furnaa laba nin ayaa u gashay kadibna xabado ayaa dhacay, labadii nin oo ordeysa ayaana farmashigii ka soo baxay markii gudaha la galayna waxaa la arkay Cabdulaahi oo mayd ah.” Ayuu yiri qof ka mid dadka deegaanka.

Cabdulaahi Yuusuf Jaylaani ayaa wuxuu cilmiga Caafimaadka ku soo bartay Jaamacad ku taallo dalka Sudan, kadib markii uu dalka ku soo laabtay ayuu hirgeliyay goob caafimaad uu ku shaqeysto.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com