Dhaq-dhaqaaqa Xamaas oo si buuxdo u taageeray M/weeynaha cusub ee Soomaaliya.

Ismaaciil Haniyah oo ka tirsan masúuliyiinta dhaq-dhaqaa ururka xamaas ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya.

Xamas oo inta badan aan ka hadlay arrimaha Soomaaliya, soona hadal qaadin, ayaa warka cusub ee kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, taasi oo muujineysa sida gusuha madaxweyne Xasan Sheekh dunida ugu soo jeedisay Soomaaliya.

Haniyah ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyey guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamas ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si eebe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Xamaas ayaa  duco iyo bogaadin hadawa usoo marisay m/weeynaha cusub ee soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud in uu ilaah u fududeeyo masúuliyada culus ee loo igmaday waxa aynah balan ku qaadeen in ay lashaqeey doonaan.

Waa markii ugu horeeysay ee dhaq-dhaqaanka Xamaas ay si buuxdo u taageeraan M/weeynaha Soomaaliyeed tan iyo intii ay jireen ururkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com