Ciidanka Booliska Jaziirada Malta ayaa qoraal ay soo saareen shegay in ay qabteen 3 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo bishii la soo dhaafay fal xatooyo ah ka geestay Xaafada San Gorgee Jazeerada Malta.
Saraakiisha Booliska ayaa shaaciyay 21 bishii October qof kamid ah dadkii dhaca loo geeystay ku soo wargeliyay Booliska St. Julian inuu la kulmay jirdil iyo xatooyo.
Baaritaanada horudhaca ahaa ayaa muujiyay in goobta dhaca uu ka dhacay qof joogay ay u suurta gashay inuu qabto mid kamid ah ragii 3da ahaa ee Somalida ah balse kuwii kale ay goobta isaga baxsadeen.
Baaritaano dheeri ah ay Booliska sameeyeen ayaa ugu dambeen waxaa gacanta lagu soo dhigay 3daasi qof ee Soomaalida ah kuwaa oo gacanta loo galiyay qeybta la dagaalanka dambiyada waa weyn.
Ragaan sedexda ah ayaa da’doodi u dhaxeysa 26 ilaa 24 sano jir waxaana la filayaa in maanta oo Talaada ah ay maxkamad kasoo muuqdaan iyadoona uu sii socon doono Baaritaanka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com