Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biirtay ciidamada cirka ee Itoobiya

Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay.

Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.

Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan ayaa  sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com