Dhalinyaro laga soo Aruuriyay gobolka Gedo oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho+ Ujeedo

Wararka k imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhalinyaro ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo Islamarkana laga soo Aruuriyay gobolka Gedo la keenay magaalada Muqdisho

Dhalinyrada ayaa wararku ay sheegayaan in ay ku jireen xero oo uu tababar uga socday

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa da’doo ay aad u yartahay , iyadoo loo tababarayay in ay ka mid noqdaan militariga soomaaliya qaybtooda Gor Gor.

Dhalinyarada ayaa shalay lagu soo qaaday diyaaradii shalay Gaadiidka dagaalka iyo Ciidanka geysay garoonka diyaaradagha ee degmada Doolow ee gobolka Gedo

Lama Oga illaa iyo hadda sababta dhalinyaradaan ay da’dooda yartahay loogu tababaro in ay ka mid noqdaan Ciidanka Militariga Soomaaliya

Dawlada Soomaaliya ee Muddo xileedkeedu uu dhammaaday ayaa muddooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka waday gobolka Gedo ay ay kala soo horjeedo Maamulka Jubland ee Axmed Madoobe iyo Dawlada Kenya oo  Ciidankeeda ku suganyihiin  qayb ka mid ah gobolka Gedo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com.