Dhalinyaro ay Qaraabo ahaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo shaqada lag Eryay

Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee wasaarada ayaa lagu soo waramayaa in shaqo joojin ay ku sameeyeen 4 qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaarada waxbarashada

4 qof ee shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa ka mid ahaa shaqaalah kumeel gaar ah ee wasaarada waxbarshada islamarkaanka  qaraabo ay ahaayeen wasiirkii hore ee wasaarada waxbasharada  Xildhiban Cabdilaahi Goodax bare .

Xubnahaasi shaqada laga joojiyay ayaa sidoo kale laga jartay lacagtii Gunada ahayd ee wasaarada ay ka qaadan jireen waxaana boosaskooda lagu bedelay shaqaale kale oo cusub.

Arintaan ayaa niyojab ku noqoneys dhalin yarada soomaaliyeed ee doonaya in ay shaqooyin ay ka helan wasaradaha dawlada haddii wasiirkii yimaada uu shaqada ka eryaayo shaqaalaha kuwo kale ee isaga uu watana uu keensanayo.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com