Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istaagaan helitaanka matalaada ay xaqa u leeyihiin

Dhawaan waxaa nagu soo fool leh doorashadda Soomaaliya. Doorashooyinkani waa kuwa ka duwan kuwii aan hore u soo arki jirnay, sababtoo ah waxaa iska cad in siyaasadda dalkeena ay noqotay mid ka cakiran sidii hore, oo saamileyaal sidaadeed oo ka badan kuwii hore, kuwaas oo heerar kala duwan leh. Tani, marka dhinac laga eego waa guul weyn, iyadoo la eegayo in Soomaaliya 2012-kii loo aqoonsaday dowlad rasmi ah, tan iyo burburkii dowladnimadeena ee 1991-kii.
Doorashadu waa mid xilligeedii dib uga dhacday, waxaana ugu wacan wada-xaajoodyada xasaasiga ah ee siyaasiyiinta iyo dadkeena u dhaxeeya, midaas oo dhanka kale marka laga eego kaabeysa in mustaqbalka dalkeena ay qeyb ka noqdaan dhamaan daneyayaasha Soomaaliyeed. Siyaasadda Soomaaliya waxaa muddoyinkii dambe majaraha u hayey siyaasiyiinta dabaqadda sare, sidaas daradeed in xilligan la balaadhiyo masraxa siyaasadeed si ay qeybaha kale ee bulshadda uga soo qeyb galaan waa ahmiyad aad u weyn.
Dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan siyaasada waxay lagama maarmaan u tahay horumar iyo dib-u-habeynta dowladnimada Soomaaliya. Waqti dheer, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa loo sheegi jiray “waqtigii wuu imanayaa, waxaad tihiin mustaqbalka” balse fursadahoodii ka qeybgalka siyaasadda iyo mustaqbalka ah u qalmaan labadda midna wali ma imaan. Arrimaha ku xeeran ineysan suurtagalin himilooyinkani waa badan yihiin, balse dhamaan fursadaha, haddii ay yihiin kuwo bulsho iyo mid dhaqaale amaba kuwa kale waxay ku bilowdaan in marka hore ay dhalinyardu yeshaan cod iyo matalaad. Haddii dhalinyaradu aaney siyaasadda ku jirin, ma awoodi karaan inay qaabeyaan mustaqbalkooda, mana ku lahaan karaan saameyn muuqata aayatiinkooda. Tani waa masiibo weyn, sababtoo ah dhalinyarada waqtigoodu marwalba waa rajo ku dhisan aas-aas adag iyo kalsooni gelin ku hagta iney qeyb ka noqdaan dib-u-dhiska dalkooda.
Marka maanta la eego xaaladda siyaasadeed ee dalkeena, intee ayay la eegtahay matalaadda dhalinyarada ee siyaasadda dalka? Waa tiro aad u yar. Maqnaanshiyaha iska cad ee mataaladda dhalinyarada ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa soo raaca xafiisyada kale ee dowladda oo go’aamada waaweyn ee dalka laga gaadho. Waxaa intaasi dheer ineysan dhalinyaradu matalaad muuqata ku laheyn ururada bulshada rayidka ah. Dhamaan qeybahan, hoggaaminta dhalinyarada iyo kaqeyb galkoodaba waa in la dhiirigaliyaa oona la taageeraa, sababtoo ah iyagaa ah qiyaastii tiro ka badan 75% bulshadda Soomaaliyeed marka loo eego qiyaasta ay bixiyaan hey’addaha caalamiga ah.

Dhaliyarada Soomaaliyeed waa inay u guntadaan helitaanka mataalada ay xaqa u leeyihiin, sababtoo ah waa sida kelliya ee ay ku soo dhacsan karaan xaqooda, isla markaasna ay uga bixi karaan faquuqa bulsho. Caqabadaha heysta dhalinyarada maanta waa kuwo ay la wadagaan dhamaan qeybaha kale ee bulshada sida amaanka, balse waxaa kale oo jira caqabado iyaga u gaar ah sida shaqo la’aan baahsan iyo dhiirigalin la’aan hal-abuur.
Suurtagal maahan in mustaqablka dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan bulshadeena inay matalaan dad aan fahmi karin baahiyahooga. Dabcan, siyaasadeena loogama maarmo khibrad iyo waayelayn, balse la’aanta dhiig cusub iyo garaad caboon, suurtagal maahan in la gaadho halka la hiigsanayo. Bulsho walba awoodeedu waxay la eegtahay hadba inta muwadiniintoodu la eegyihiin, bulshana waxay awood ku yeelataa markii ay matalaad dhab ah heysato oo loo dhanyahay.