Dhageyso:Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ka Tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

Gudoonka Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ayaa ka tacsiyadeyay Geerida Madaxweynihii hore Soomaaliya  Cali Mahdi Maxamed oo maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ,Xasan sheikh Maxamuud , midowga Musharixiinta , Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya , Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Dr. Cali Cabdi Baab oo ku hadlayay Magaca Xisbigaasi oo uu Hogaamiyo Sheekh  Muqtaar Roobow ayaa sheegay in ay uga tacsiyadeeynayaan Dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar’ahaan Eheladii , Asxaabti iyo qaraaabadii uu ka geeriyooday Marxuum Cali Mahadi Maxamed Maxamed in Naxariistii Janno uu Alle ka waraabiyo .

 

Innaa lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun