Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/ Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka war bixiyay dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday xabsiga dhexe ee Xamar.
Taliye Mahad Cabdi Raxmaan Aadan ayaaXusay in Maxabiistii shaqeyneysay ee Raashinka u karsaneysay Maxaabiista ay askari Qorigii la qabsadeen oo ka qaateen, kadibna markii qoriga gacantooda galay ay toogteen askari kale oo ilaalo ka ahaa dusha sare ee xabsiga, kaasoo dhulka kusoo dhacay, qorigiina ay ka qaateen.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in dagaal kaas uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maxaabiista iyo Askartii xabsiga ku sugneyd
Taliyaha xabsiga Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xaalada ay degan tahay haatan uu socdo baaritaanka wixii xabsiga dhexe ka dhacay