Dhageyso:Soomaaliland oo ka war bixisay diyaarad shalay laga celiyay Hawada M/ Hargeysa

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon  ayaa Wax laga xumaado ku Tilmaamay in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay Hawada ka celiso diyaarad Kenya Timid  kuna sii jeediyay Magaalada Hargeysa

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa Tibaaxay in dowladda Soomaaliya ay ku kacday Fal aan wanaagsaneyn oo ay ku kala tagi karaan Soomaaliland iyo Soomaaliya waxana uu uu sheegay in uu qeyb ka Tahay dagaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya  ay kula jirto Soomaaliland Waa sida uu hadalka u dhigayee’’

Diyaarada shalay laga celiyay Hawada Soomaaliland ayaa khaad ka keentay Dalka Kenya waxa ayna doonaysay in khaadkaasi ay ku dejiso magaalada hargeysa.