Dhageyso:Gudiga Joogtada ah ee golaha shacabka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo Xalay kulan  ku yeeshay Magaalada  Muqdisho, ayaa isku raacay in la dar dar geliyo Ajendayaasha Golaha horyaalaa Golaha shacabka iyo sida loo kala hormarinaayo

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominmayay Gudoomkiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal sheikh Cabdi Raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdi weli Ibraahim Muudeey

Sidoo kale kulanka Gudiga Joogtada ee Golaha shacabka ayaa ahaa mid lagu dardargelinayo kalfadhiga 7aad mudda ka hartay ee ah kalfadhiga ugu dambeeya Xildhibaanada Golaha shacabka sidii loo kala dedejin lahaa kulamada Baarlamaanka

Xoghyaha Gudiga Joogta ee golaha shacabka Cabdi kariin Xaaji Buux ayaa kulankaasi ka dib ka hadlay waxyaabihii laga hadlay.