Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga rasmiga ah ay dib u furayso duullimaadyada dibada.
Golaha Wasiirradaxukuumada Soomaaliya ayaa shalay kulan ay yeesheen Magaalada Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan Duulimaadyadii la hakiyay sababo la xariira faafista Cudurk Covid19
Golaha Wasiirada ayaa shaaciyay in duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 3 bisha 2020, sidoo kalana waxaa goluhu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.
Dib u furista dhammaan adeegyada ayaa golohaha Wasiirada ee Xkuumaddii kheyre ku macneeysay saameynta xanuunka COVID-19 oo hoos u dhacay, waxaana ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka taxadaraan Halista Cudurka COVID-19.
Kulankaasi ka dib ayaa Waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka war bixiyay div u Furista Dhammaan duulimaadyada Dalka