Shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay Gudoomiye ku xigeenka Xisbga Amniga iyo cadaaladda Dr .Cali Cabdi Baab ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha Amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ‘ Uk’ iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay xaalada Soomaaliya iyo Heshiiskii 17 sebtember 2020ee lagu taageerayo doorashooyinka Soomaaliya.
Dr Cali Cabdi baab ayaa shaaciyay in ka xisbi ahaan ay aad u taageerayaan Go’aanka dawladaha Caalamka ee ku saabsan in wadahadaladii doorashoyinka dalka looga hadlayay dib loogu laabto.
Dhinaca kale, Xisbiga Amniga iyo cadaaladda ayaa Eedeeyn u Jeedyay Wasirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo Eedeeyay Dawlada Jabuuti ‘
Xisbiga Amniga iyo cadaalada ayaa sheegay in Dawada Jabuuti aysan qaban Eedeyntaasi madaamaa ay gacan ka geysatay dib u soo kabashada Soomaaliya .
Sidoo kale Xisbiga Amniga iyo cadaalada ayaa Ugu baaqay dawlada Madaxweye farmaajo in miiska Wadahadalka ay dib ugu so laabtaan si looga gadbu muddo kororsiga loona qabto doorashooyin .