Dhageyso: Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ka digay Awooda Ciidan ee Madaxweyne Farmaajo

Dr. Cali Cabdi Abuukar Baab oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo u waramay warbaahinta aragti cusub ayaa shaaca ka qaaday in uu aad uga walaacsan yahay  Hagaardamada dawlada Federaalka ay ku heyso doorashooyinka Dalka.

Dr.Cali Cabdi Abuukar Baab ayaa sheegay in Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu Culeys siyaasadeed uu ku haayo doorashooyinka  , waxaana uu sheegay in Farmaajo uu sameeystay Ciidamo leh magacyada Bahalada si uu xoog ugu qabsado xukunka waa sida  uu hadalka u dhigay Dr. Cali Cabdi Baab .

Dhinaca kale Dr . Cali Cabdi ayaa waxaa soo hadal qaaday islamarkaana uu is barbar dhig uu ku sameeyay wasiir Duube iyo Wasiirkii Warfaafinta Ciraaq xilligii Sadaam Xuseen Maxamed Saciid Saxaf oo ku tilmaamay dubbe in uusan waxba ka duwaneyn

Sidoo kale kale 3da Maamul goboleed ee Taageersan Madaxweyne Farmaajo ayuu Dr. Cali Cabdi Baab ku tilmaamay in ay yihiin kuwo uu maamulo Farmaajo waxa uu u yeeriyo ku dhaqma.

Ugu dambeyntii Dr. Cali Cabdi Baab ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed Hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo oo u sheegay in uu doonaayo Awood Ciidan in uu xukunka ku qabsado isaga oo tusaale u soo qaatay Waagii Mursaliini uu xukumayay Talyaaniga uu wadaniyada ugu beer laxaw sanayay shacabka Talyaaniga balse uu xasuuqay  isalamarkaana Farmaajon uusan waxba ka duwaneyn Mursalinii sida uu hadalka u dhigay Dr. Cali Abuukar Cabidi Baab.