Dhageyso: Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo muqdisho lagu dhaariyay

Waxaan la dhaariyey 16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubbaland. Waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee BFS Mudane Cabdikariim Cabdi Buux. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan dhammaan ugu hambalyeynaynaa masuuliyadda loo soo doortay. Waxaana ka rajeynaynaa inay qayb lixaad leh ka qaataan samata-bixinta waddankeenna iyo ka saarista xaaladdan hubanti la’aanta ah ayuu yiri’ gudoomiyaha kumeel gaar k h ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya .