Dhageyso: Xildhibaan Zakriya xaaji cabdi oo baaq u jeediyay Dawlada Cusub ee Madaxweyne xasan Sheekh

Xildhibaan Zakriya Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaankii 9aad ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo Xasaasi ah.

Mudane Zakriya Xaaji Cabdi ayaa ka mid ahaa Musharixiintii u tartameysay  Xilka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyada Soomaaliyada Soomaaliya balse xilkaas uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Zakriya ayaa ugu horreyn waxaa uu sheegay in doorashadii 15kii may ee loo tartamayay madaxweynaha Soomaaliya uusan wax lacag laaluush ah bixin marka laga reebo lacagta diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha oo gaareysay $ 40’000 lacagta doolarka maraykanka ah.

“Isaga oo sii hadlaya ayaa Mudane Zakriya Xaaji Cabdi waxaa uu ku baaqay in lacagihii  laga qaaday musharixiintii u tartameysay Madaxweynaha Soomaaliya loo weeciyo dhinaca gurmadka Abaaraha si loo samata bixiyo dadka Abaarta ay ku saameeysay degaano badan oo ka tirsan gobolada dalka.

Ugu dambeeyntii ‘ Xildhibaan hore Zakriya Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay diyaarado drones ah oo ay ka xanibtay Dawladii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxana uu sheegay in dacwada diyaaradahaasi ay taalo maxkamadda gobolka Banaadir .

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Xildhibaan Zakriya xaaji cabdi: