Dhageyso: Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Ciidamo uu soo diray Madaxweyne Farmaajo ay weerareen Xaafada Shiirkule

Xildhibaanada kala ah  Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, iyo odayaasha beesha Habar Gidir , ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneral Saadaq John.

Xildhibaanada iyo odayaasha ayaa si isku mid ah uga digay weerar ciidamada dowladda qorsheynayaan inay ku qaadaan Jeneral Saadaq, xilli aad loo soo dhoobay halkaas, kadib markii Saadaq uu galabta kasoo tegay gurigiisa oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Farmaajo uu bartilmaamedsanayo dadka Habar-gidir o dhashay tan iyo 2017,

Xildhibaan mahad salaad ayaa shaaciyay weerakii lagu soo qaaday Xaafada Shiirkule oo ay degan yihiin Dad shacab ah iyom ehelada saadaq joon lagula xisaabtamayo dadkii soo qaaday