Dhageyso : Xildhibaan Hore Cabdi Bare Jibriil: Wixii aan hore uga digi jiray ayaa hadda dhacay

Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jibriil  ayaa  wax   aan  la Aqbali Karin ku tilmaamay  muddo kordhintii xildhibaanada Muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Golaha shacabka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Hay,addaha kale ee Dawlada ee .

Cabdi Barre Jibriil  ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Muddo kordhinta uu yahay  mid sharci darro ah oo baal marsan Dastuurka ku meel gaar   ah .

Mudane Cabdi Barre Jibriil ayaa tilmaamay in waxyaabihii uu hore Uga digi jiray hadda ay soo bexeen   talaabadaasna ay khas iyo jah wareer  u horseedi doonto  xaalada siyaasadeed ee dalka .

Ugu dambeyntii  Siyaasi  Cabdi Barre Jibriil ayaa Ugu Baqay shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiintooda in ay meel uga soo wada jeestaan  xaalada Xilligaan ka Taagan Soomaaliya iyo qorshaha muddo kordhinta ee loo sameeyay Madaxweyne Farmajo iyo Hay’addaha kale ee Dawlada Soomaaliya .