Dhageyso: Xasan sheekh oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudiga doorashooyinka Qaran

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay, Go’aankii shalay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ay ku ansixiyeen Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uuu soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.

Mudane Xasan Sheikh, ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ansixiyay Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ahaa in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah ayna u baahan yihiin 13-bilood oo dheeraad ah.

Wuxuu sheegay  in hadalka Guddoomiye Xaliimo Yareey laga dheehan karay mid muddda kordin loogu samaynayo dowladda haatan jirta taasina aan la aqbali Karin.