Dhageyso :Xasan Cali Kheyre oo sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalka ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo.