Dhageyso: Waxgarad ka digay in Colaad laga dhex Abuuro Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho

Suldaan Shariif  Xasan Ibraahim oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa isaga iyo xubno kale Odayaal ah waxaa ay taageereen Muddo kororsiga Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay u samayeen Hay’adaha dawlada Soomaaliya

Suldaan Shariif  Xasan Ibraahim iyo Waxgaradka kale ayaa ka digay colaad Bulshada Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Muqdisho Colaad laga dhex Huriyo , isaga oo Ugu baaqay hiancyada ku howlan arintaasi in ay ka waan toobaan waxyaabaha ay ku kicinayaan bulshada ee ay dhbaatada ugu horseedayaan

Ugu dambeyntii Suldaan Shariif  Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Muddo kororsiga loo sameeyay Madaxweyne farmaajo iyo Hay’adaha kale ee Dawlada ay ku timid ka dib markii Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland ay sharuudo adag ku xireen Madaxweyne Farmaajo ka qayb galka shirarkii looga hadlayay khilaafka doorashada oo ugu dambeyntii bur buray.