Dhageyso. Waxgarad Eedeeyay maamulka Koofur galbeed

Nabadon Abuukar Maxamed Cabdi  oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka shabeelaha Hoose oo ka hadlay shirka ka socda  Magaalada Baydhabo .

Abuukar Maxamed cabdi  ayaa sheegay in Shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed ee ka socda Magaalada Magaalada Bayadho  aan lagu casuumin beesha uu ka dhashay ee Darbane Dil oo degta Gobolka shabeelaha Hoose waxaana uu ku Eedeeyay maamulka koofur galbeed in ay diidee n In Beesha  matalaad siyaasadeed ay ku yeelato Koofur galbeed.

Nabadoon Abuukar Maxamed Cabdi ayaa  ka codsaday dawlada Federaalka soomaaliya & Dawlad Goboleedka Koofur galbeed in la siiyo xaqii beesha Darbane digil ee ah Matalaada Siyaasadeed ay ku leedahay Koofur Galbeed.