Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka war bixiyay Dagaal ka dhacay koofurta gobolka Mudug ee dhexeeyay Alshabaab iyo Dadka degaankaasi
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaalkaasi looga guuleystay Alshabaab loogana dilay Xubno badan ,waxana intaas uu ku daray in shabaab meydad badan oo gaaraya labaatameeyo Ruux Hal meel ay ku aaseen taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii Dadka shacabka ay ku jebiyeen Dagaal ay ay soo qaadeen Alshabaab
Xaalada Deghaanada Camaara iyo Bacaadweyn ayaa haatan degan mana jiraan wax dhibaato ah oo hadda laga soo sheegaayo
Dhawaan ayay ahayd markii dagal culus uu ka dhacay degaanka Bacaadweyne kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Galmudug oo kaashanaya Dadka shacab ah ee degaankaasi iyo Alshabaab Walow Alshabaab Guulo ay ka sheegteen Dagaalkasi.