Dhageyso Waraysiga: Gudoomihii hore ee gobolka Hiiraan oo Eedeeyay Madaxweyne Waare

Gudoomihii hore gobolka Hiiraan  Mudane Cali Maxamed Caraale  ayaa soo dhaweeyay dibad baxyada lagu Taageerayo Dawlada Federaalka ee ka dhacaya gobolka Hiiraan

Gudoomiye Caraale ayaa sheegay in shacabka gobolka Hiiraan ay Taageersan yihiin dawlada Federaalka waxana uu sheegay in laysku dayay in laga hor istaago dibad baxa balse Taasi aysan u suurta gelin madaxda Hir shabeele in is hor istaag lagu sameeyo  Dadka dibad baxa dhigaya .

Gudoomiyihii hore gobolka Hiiraan  mudane Cali maxamed Caraale ayaa ku Eedeeyay  Madaxweynaha Hir shabeele Maxamed Cabdi Waare in uu xilka ka qaadis ku sameeyay Taliyihii saldhiga Booliska Degmada  Baladweyne ka dib markii

Uu UOgolaaday in Dadka si nabad gelyo ah ay ku dibad baxaan

Hadalka ka soo baxay Gudoomiyihii hore gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Taliska ciidamada Booliska Hiiraan maalintii Arbacada ahayd ay joojiyeen dibad bax lagu Taageerayay Dawlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhacayay Magaalada Baladweyne

Hoose ka Dhageyso Waraysi Gudoomiyhii hore Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale