Dhageyso: Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka KGS C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Kismaayo.

Safarka Lafta gareen oo todobaadyo ka hor lasii ogaa ayaa waxa uu daaran yahay sidii labada Maamul ee Jubbaland iyo KGS uga wada shaqeyn lahaayeen dar dar gelinta Doorashada.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne Ee axmed madoobe iyo C/casiis Lafta gareen ayaa ahaa mid albaabada uxirnaa kaas oo shirkooda ka dhacay Guriga Martida Ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa la sugayaa warka saxaafada lala wadaagi doono ee kusaabsan socdaalkaasi iyo waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu qotomay.

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen.