Dhageyso: Suldaan Maxamed Cigale oo ka digay Colaada laga Abaabulayo Muqdisho

Suldaan Maxamed Cigale Suldaan Hooleey Dr. Macriifi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo xiisadaha Colaadeed ee la hurinayo Muqdisho

Suldaan Maxamed Cigale Suldaan Hooleey Dr. Macriifi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Muqdisho aysan xamili arin Colaad .

Dhinaca kale Dr Macriifi ayaa Tilmaamay in muddo kororsiga Hay’adaha dawlada Soomaaliya loo sameeyay uusan wax dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ‘waxaana uu ugu  baaqay Madaxda Dawlada Soomaaliya iyo Baarlamaankaba in ay dib uga laabtaan go’aanka muddo kororsiga

Ugu Dambeyntii waxaa uu ka hadlay Suldaan Maxamed Cigale Suldaan Hooleey Dr Macriifi xilka ka qaadistii lagu sameeyay Taliyhii hore ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo Keetay in xiisad ay ka dhalato waxana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan wax xilka qaadis ama magacaabis uusan sameeyn Karin maadaamaa muddo xileedkiisa uu dhamaaday.