Siyaasiga Cabdillaahi Xaaji Dheere ayaa ayaa oo warbahinta la hadlay ayaa si kulul uga warramay Warar maalmihii la soo dhaafay uu baraha Bulshada soo dhigayay Wasiirkii hore Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Barre.
Siyaasi Cabdillaahi Dheere ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Baree uu Joogto ka dhigtay Isku dirka Dadka ku nool degaanada Hir shabeelle iyo in uu Dacaayad ka Fidiyo Maamulka Cusub ee Hir shabeelle iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya
Cabdillaahi Dheere ayaa sheegay in Waqtiga uu Xilka haayay Cabdillaahi Goodax Barre uu Muxaafid ahaa Dawladana uu difaaci jiray Balse Markii Xilka uu waayay Mucaarad uu Noqday ,
Siyaasiga ayaa Fariin uu diray Madaxweynaha Hirshabeele Cali Cabdilaahi Xuseen Guudlaawe.
Dhinaca Kale Siyaasi Cabdilaahi Dheere ayaa ka hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka Waxaana uu ugu baaqay Musharixiinta u Tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya in Dalka iyo shacabka Dagaal aysan u horseedin isaga oo ka dalbaday in xaalada ay dejiyaan.