Dhageyso: Siyaasi C/laahi Dheere oo soo dhaweeyay Saxiixa Qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Qaran

Siyaasiga Claahi Xaaaji Dheere oo ah Madaxweynihii Banaadir State ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka .
Siyaasiga ayaa Ugu horeyn soo dhaweeyay munaasabadii shalay ka dhacday Xerada Afasiyooni ee lagu saxiixay qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Qaran ee Muddooyinkii dambe ka socday Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Dawlada Federaalka , Dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir
Claahi Xaaji Dheerre ayaa shaaca ka qaaday in Dadka ka soo jeeda gobolka Banaadir ay weli ka maqan tahay Xuquuq Cid ku matashana aysan jirin shirkii maalmihii la soo dhaafay ka socday Xerada Afasiyooni balse waxaa uu intaasi raaciyay in in uu soo dhaweeynaayo doorasho ka dhacdo dalka.