Dhageyso: sheekh shariif oo ka digay Muddo kororsi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif sheikh Axmed ahna Gudoomiyaha midowga musharrixiinta mucaaradka, ayaa shir jaraa’id oo  uu ku qabtay maanta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay muddadii ka dhammaatay, waxa uuna ku tilmaamay  nasiib darro inaan lagu heshiin qaabkii doorasho waddanka uga dhici lahayd.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aamini karin in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Farmaajo uu dalka ka qaban karo doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Shariifka ayaa sidoo kale ka digay inay dalka ka dhacdo muddo kororsi aan lagu heshiin, wuxuuna ciidamada qaranka ugu baaqay inaysan dhageysan awaamiirta madaxda waqtigu ka dhacay.