Sheekh Fu’aad Bin Caqiil oo ah Aqoon yahan Soomaaliyeed eek u nool Dalka Swedan ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee Dalka
Shekkh Fu’aad Bin Caqiil ayaa ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka Taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya Isaga oo ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in doorashada uu ka dhigi mid Furan oo ay ka qayb galan dhamaan Midowga Mushirixiinta Mucaaradka ah iyo Siyaasiyiinta kale ee Dalka
Fu’aad Bin Caqiil Mar uu ka hadlayay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo kaalinta Dawlad goboleedyada ayaa waxaa uu sheegay in in Dawlad goboleedyada kala ah Hirshabeele Galmudug iyo Koofur galbeed ay isku Fikir yihin oo ay Taageesan Hab dhaqanka Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Halka Maamulada Puntland iyo Jubland uusheegay in aysan la dhacsaneyn Siyaasada ku dhisan kaligii Talisnimada ee Madaxweyne Farmaajo oo doonayo in Dalka uu ku hago Hadii Awood uu ku qabsado dalka iyo Haddii markale la doorto.
Ugu Dambeyntii Sheekh Fu’aad Bin Caqiil ayaa ka digay Caqabado Siyaasadeed oo ka dhasha Ficilada Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Siyaasada aan salka lahayn ee Midowaga Musharixiinta Waxaana Fariin uu u diray Madaxda Dawlada waqtigeeda uu dhamaaday iyo Mucaaradka oo ah in ay xaalada dalka dejiyaan doorashadana ay isku Afgartaan isga oo sidoo kale Rajo ka Muujiyay Shirka ka Furmaya Xakane ee ay isugu Imaanayaan Madaxda Dawlada Federaalka , dawlad Goboledyada iyo Gobolka banaadir Beesha Caalamkana ay korjoogto ka noqoneyso.