Dhageyso: Sarkaal ku baaqay in la baaro weerarkii Xarunta gobolka Banaadir

Gudoomiyihii hore degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan kana mid ah Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa Cambaareeyay Weerarkii shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee ay qaadeen Alshabaab.

Mudane Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa Marka hore ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay  weerarka,  waxaana uu sheegay in  Alshabaab looga adkaan karo wada shaqeeyn dhex marta hay’addaha Amniga & Dadka shacabka ah.

Sidoo kale ‘ Mudane Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ku baaqay in Cadaaladda la horkeenno shaqsiyaadkii ka dambeeyay  oo Alshabaab u fududeeyay in ay  galaan xarunta Gobolka Banaadir.