Dhageyso: Safiirka Soomaaliya oo ka hadlay xaalada dhalinyaro ku dhibateysan Liibiya

xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xayiran dalka Liibiya, ayaa laga deyrinayaa kuwaas oo warbaahinta u sheegay in ay la soo darseen dhibaatooyin kala duwan.

 Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya  Muxudiin Maxamed  kaalmooy oo ka hadlay cabashada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan awoodin in dhalinyaradaasi xiligan loo soo gudbiyo dhinaca Soomaaliya sababo la xiriira dhaqaale xumi heysata  safaaradda Laftirkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay dalka libya  kasoo deysay dhalinyaro Soomaali ah oo ku jiray Xabsiyada dalkaas,kuwaas  oo sidoo kale uu saameeyey dagaalkii ka dhacay dalkaa Liibiya.