Ra’iisal Wasaarha Xukuumada Soomaliya Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska Sanad guurada 50-aad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay amniga Dowlad wanaagga iyo dhaqaalaha, loona baahan yahay in dib-u-habeynta caddaaladda lagu dedaalo. Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, Ciidanka Qarankuna ay noqdaan Albaabka cadaallada laga gelayo, maadaama Bulsho aan cadaalad haysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyni, is-aaminaad iyo dhiirranaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey Ciidamada Asluubta iyo Qoysaskooda ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin Dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda Qarannimada Soomaaliyeed
ARAGTIYo
Dhageyso : Gudoomiyaha Jilaayaasha Siyaasada Qurbajoogta Soomaaliyeed Ee Yurub oo sharci darro ku tilmaamay Heshiiskii Adis Abaaba
Guddomiyaha Jilaayaasha Siyaasada Qurbajoogta Soomaaliyeed Ee Yurub, Mudane Mataan Cali Xassan ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ka horyimid kulankii Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex maray Madaxweyne Xasan...