Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka Koofur galbeed oo ka digay colaada laga Abaabulayo Muqdisho

Malaaq Cali Cabdiraxmaan shiino oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed kuna sugan Magaalada Baydhaba ayaa baaq ka soo saaray xiisadaha Colaadeed ee laga Abaabulayo Muqdisho

Malaaq shiino ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya Afarteedii sano ay soo qaadatay sida uu sheegay islamarkaan ay ka filayeen in doorasho ay qabato balse wax aysan ka filaneyn ay ku dhaqaaqday oo ah Muddo kororsi ay sameeyeen Baarlamaan uu waqtigiisa dhammaaday

Malaaq Cali Cabdiraxmaan shiino ayaa ku Eedeeyay Dawlada Federaalka in ay qaadeyso mas’uuliyada ah haddii dagaa uu dhaco maadaamaa muddo kororsi aan sharci ahayn loo sameeyay

Ugu dambeyntii Malaaq  shiino ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ay ka soo horjeedaan in lagu dagaalamo muqdisho’ Waxaana uu ugu baaqay Dawlada Federaalka iyo Mucaaradka in ay heshiiyaan.