Malaaq Cali Cabdiraxmaan shiine oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koofur galbeed ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta Aragticusub waxaa uu ka hadlay banana baxa maalinta jimcaha ay ku baaqeen Golaha midowga musharixiinta in ay ku qabanayaan Magaalada Muqdisho gaar’ahaan Taalada Daljirka Daahson.
Malaaq Shiino ayaa shaaca ka qaaday in dibad bax la qaban karo oo uu dastuurka kmg ah u ogolaanayo qodobkiisa 20aad in musharixiinta iyo Dadka kale ee shacab ka ah ay dibad bixi karaan balse haddii lagu amray in ay joojiyaan oo aysan banana bixi Karin taasi badalkeedana la xabadeeynaayo ayuu faray musharixiinta in ay joojiyaan dibad baxa oo dhibaato ay uga imaan karto.
Hadalka Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinta jimcaha soo socota mucaaradku ay ku baaqeen dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Muddo xileedkiisa ay dhammaatay Farmaajo balse Golaha Midowga Musharixiinta ay shaaca ka qaadeen in dibad baxa ay qaban doonaan warka ka soo yeeray dawladana aysan dheg jalaq u siin doonin.