Dhageyso: Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Gaas oo sheegay in Colaada gobolka Gedo ay u dhexeyso Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaada gobolka Gedo

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Colaada gobolka Gedo ay u dhexeyso Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe

Madaxweynihii hore puntland ahna Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe xilka ay ka wada tagi doonaan waxa dhibaatada ay ku dhacaeyso ay tahay dadka shacabka ah isaga oo ugu baaqay labada dhinac in tanaasul ay sameyaan ayna u turaan dadka shacabka ah.