Dhageyso: Madaxweyne Qoor Qoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Munaasabad ballaadhan oo lagu Taageerayay qodobadii  kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa xalay lagu qabtay Dhuusamareeb.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay  Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Goddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Xubno ka tirsan madaxda Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa munaasabadaasi Hadal ka jeediyay waxaana uu u mahad celiyay Madxada Galmudug iyo shacabka doorka ay ka qaateen qabashada shirarkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale ku baaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab isaga oo ugu baaqay Ciidamada Galmudug iyo shacabkooda in ay u diyaar garoowaan dagaalka ka dhan ah Alshabaab