Dhageyso Madaxweyne Qoor Qoor oo Amar Siiyay Ciidamada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Amray Dhamaan Ciidanka Daraawiishta Galmudug in ay ka hortagaan dagaalo Beeleedyada ka dhaca degaanada Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay heysato Hubka ugu badan iyo Ciidan badan loona baahan yahay in Xasiloonida ay ka shaqeeyaan, waxaana uu ku Amaanay Beelaha degga Galmudug Tallaabadii Hubka ay ugu wareejiyeen Maamulka Galmudug

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uu ka jeediyay munaasabad tababarr uu ugu furayay Ciidamo ka Tirsan Daraawiishta Galmudug.